Qaraxyo ka dhashay madaafiic oo laga maqlay agagaarka Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhawaqa qaraxyo ka dhashay hoobiyeyaal ayaa waxaa laga maqlay nawaaxiga saldhigga Xalane dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Dadka degaanka oo khadka telefoonka ugu waramay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ay maqleen jugta hoobiyeyaasha abaare fiidnimaddii.

Ma cadda tiradda madaafiicda, balse warar aan la xaqiijin ayaa ku tilmaamaya illaa iyo afar xabo, oo aan la hubin haddii ay ku dhaceen bartilmaameedkooda ama in ay ku habsadeen guryo rayid.

Tan iyo markii uu bilowday Soonka, Al-Shabaab ayaa sarre u qaadey weerarada noocaan. Ma jiro war ay kasoo saartay falkaan cusub.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ayaa inta badan weeraradda noocaan ah fuliya aroortii iyo maqribadii, wallow waqtiyadda qaarkood ay qaadaan maalin cad, taas oo su'aalo dhalisay.

Ciidamadda dowladda federaalka ah ayaa ku guuldareystay in ay ka hortagaan falalkaan ama in ay soo qabtaan ragga tuura hoobiyeyaasha. Ma muuqdo qorshe cad oo hay'adda sirdoonka uga degan.

Al-Shabaab ayaa u muuqaneysa in xeeladeeda weeraradda ay ka fuliso magaaladda Muqdisho u rogtay dilalka qorsheysan iyo hoobiyeyaal kadib markii ay ku adkaatay qaraxyadda loo adeegsado baabuurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM