Qareenka dhaqtarkii fududeeyey dilka Osama oo Peshawar lagu diley

Image

March 17, 2015 (GO)- Dabley hubeysan ayaa magaalada Peshawar ee ku taalla waaqooyi bari dalka Pakistan ku diley nin horay qareen ugu ahaa dhakhtarkii Maraykanka ka caawiyey dilka hoggaamiyihii hore ee Al-qaacida Osama Bin Laden.

Qareenka oo lagu magacaabi jirey Samiullah Afridi waxaa toogtey rag hubeysan oo gaari yar watey xilli uu kusii jeedey gurigiisa. Afridi ayaa muddo ku noolaa qurbaha kadib markii loogu hanjabey in la dili doono.

Sanadkii hore ayuu dalkiisa hooyo ee Pakistan dib ugu soo laabtey isagoo sheegay in gebi ahaanba uu isaga baxay mihnadda qareennimada.

Mas'uuliyadda dilka qareenka waxaa sheegtay koox xagjir ah oo horay uga go'dey Talibanka dalka Pakistan.

GAROWE ONLINE + BBC

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM