Qatar Airways oo muddeysay dib u bilaabida duulimaadyada Muqdisho

Image

DOOXA, Qatar – Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa daboolka ka qaadey in duulimaadyadda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay dib u bilaabeyso 6-da bisha September ee sanadkan aynu ku jirno 2020-ka.

Iyaddoo duulimaadyadan ay yihiin saddex maalmood todobaadkii, war-saxaafadeed ay soo saartey ayay ku xaqiijisay in ay adeegsan doonto nooca diyaaradda ay farsameyso shirkadda Airbus A320.

Airbus A320 ayaa ka kooban laba nooc oo ah; mid leh 12 kursi, waxaana loogu talogalay ganacsiga, halka nooca kale oo leh 120 kursi loogu talagalay dadweynaha, waxaana laga sameeyaa dhaqaale.

Marka lagu daro Muqdisho, Qatar Airways ayaa duulimaadyo ku tagta sagaal magaalo oo qaaradda Afrika ah. Addis Ababa, Dar es Salaam, Djibouti, Kigali, Kilimanjaro, Nairobi, Tunis iyo Zanzibar ayaa wehliya.

Tani macnaheedu wuxuu yahay in 40 duulimaad ay todobaadkii sameyn doonto shirkaddan kamid kuwa ugu caalamisan aduunka.

Akbar Al Baker, madaxa fulita Qatar Airways oo farxad ka muujiyey in ay dib u bilaabaan duulimadyadda Muqdisho, ayaa sababta ay u xusheen ku sheegay in ay tahay magaaladda ugu caansan guud ahaan dalka.

"Qatar Airways waxay mar walba u taagan tahay in ay qanciso macaamiisheeda ku sugan gudaha dalka iyo daafaha caalamka," ayuu yiri.

Duulimaadyadda caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa waxaa horey loogu hakiyey sabab la xiriirta safmarka Coronavirus. Balse, dowladda federaalka ah waxay qaadey xayiraadda, arrintaas oo keentay in duulimaadka bilowdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM