Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Image

Washington (GO) - Koox ka kooban 59 qof oo cadaan ah oo ka yimid dalka Koonfur Afrika ayaa soo gaaray Mareykanka kadib markii maamulka Madaxweyne Donald Trump uu siiyay magan-galyo qaxootinimo. Dadkan ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee cadaan ah ee la aqbalo intii uu Trump xafiiska hayay, waxaana la filayaa inay jiraan kuwo kale oo kusoo wajahan Mareykanka.

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay saraakiil Mareykan ah oo ay ka mid ahaayeen Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Ku-xigeenka Amniga Gudaha. Trump ayaa ku adkeystay in dadka cadaanka ah ee ka soo cararaya Koonfur Afrika ay mudan yihiin in la soo dhaweeyo, isagoo ku sababeeyay in la takooray oo aan loo ogolaan xuquuqaha aasaasiga ah.

Go’aankan ayaa muran ka dhex abuuray Koonfur Afrika iyo Mareykanka, iyadoo Madaxweyne Cyril Ramaphosa uu sheegay in dadkaas aysan u qalmin qaxootinimo maadaama aan lagu dhibaatayn dalka gudihiisa. Wuxuu ku tilmaamay in dadkaas aysan aqbalin isbeddelada laga sameynayo dalka, gaar ahaan arrimaha dib u habeynta dhulka oo dowladda Koonfur Afrika ay ku dadaaleyso sidii cadaaladda looga dhalin lahaa lahaanshaha dhulalka oo weli ku badan cadaanka.

Siyaasadda maamulka Trump ee mudnaanta siineysa cadaanka Koonfur Afrika, halka qaxootiga kale ee ka soo cararaya dagaalada iyo macaluusha caalamka laga hor istaagayo Mareykanka, ayaa dhaliyay dhaleeceyn badan. Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku tilmaamay arrintan mid cunsuriyad ku saleysan oo aan waafaqsaneyn qiyamka qaxootinimada caalamiga ah.

Inkastoo qaar ka mid ah taageerayaasha Trump ay go’aanka soo dhaweeyeen, hadana waxaa sii kordhaya cadaadiska caalamiga ah ee ka dhashay siyaasaddan loo arko mid dhinac kaliya ah. Mareykanka ayaa lagu dhaliilay inuu iska indha tirayo xaaladaha qaxootiga kale ee dhibban, iyagoo si gaar ah u soo dhaweynaya koox gaar ah oo ku saleysan midab.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM