Qaylo-dhaan laga soo saarey "tabasho iyo dayac" ka jira ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya waa in aysan qarin khasaaraha ciidamada kasoo gaara weerarada argagixisada hadii aysan wax ka tari karin dayaca ay wajahayaan, sidda uu ku baaqay siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa hadaladaas kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook saacado kadib ismiidaamin lagu weeraray xero ciidan.

Saldhiga la beegsaday oo hoy u ah guutada 14-ka April ee ciidamadda Soomaaliya ayaa la weeraray shalay, waxaana lagu dilay 8 askari.

Al-Shabaab oo qaadatay mas'uuliyadda falkaas ayaa xaqiijisay in ay ku beegsatay gaari uu waday naftii halige, aysan shaacin magaciisa.

Siyaasi Cabdiraxmaan oo tacsi u diray ehelada askarta dhimatay, soo kabashadana u rajeeyay dhaawacyadda ayaa si kulul u cambaareeyay.

"Waxaan canbaareynayaa weerarkii ay maanta kooxda aragagexisada Al-Shabaab la beegsadeen saldhigga Qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin agagaarka Muqdisho Istaadyoom. Waxaan alle uga baryayaa in uu naxariistiisa siiyo ciidankii cadawgu laayeeen, una booga dhayo inta dhaawaca ah," ayuu kusoo qoray boggiisa gaarka ah ee xiriirka bulshadda.

Wallow uusan fahfaahin dayaca iyo cabashada uu ka dhawaajiyey, haddana waxaa muddooyinkii u dambeeyay taagneyd mushahar la'aan iyo in saldhigyadda waaweyn ee ciidamadda aanan la geynin hub waaweyn.

Illo dhanka amniga ah ayaa xaqiijinaya in saldhiga shalay la weeraray lagu ekeeyay madaafiic kahor inta aan ismiidaaminta lagu qaadin. Khuburada waxay xeeladaas ku sifeeyeen "isku day lagu jahwareerinayey ciidamadda".

"Maalmahan dayaca ciidanka wuu waynyahay, tabashaduna way badantahay, tuhunkana wuu isi soo tarayaa. Waa in dowladdu xil iska saarto ciidanka. Haddii aan wax la taraynin, ma aha in la qariyo khasaaraha ay argagexisadu u gaysanayso ciidanka," ayuu Cabdiraxmaan kusoo gabagabeeyay qoraalka.

Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa beegsatay saddex xero ciidan oo ku kala taala gobolada Baay, Shabeellaha Hoose iyo Banaadir, waxaana wehliya weeraro kale oo meelo Muqdisho kamid tahay ka dhaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM