QM: Al-Shabaab loogama adkaan karo dagaal keliya, DFS wadahadal hala gasho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada iskaashanaya ayaan weli heyn awood buuxda oo ay Al-Shabaab kaga adkaadaan, sida uu sheegay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha iyo La-dagaallanka Argagixisada, Ben Saul. Hadalkan ayaa loo arkaa mid si toos ah u aqbalaya in howlgallada militari ee ka socda gudaha Soomaaliya ay yihiin “hawl aan miro dhal noqonayn”.

Saacadaha yar ee uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, Saul wuxuu caddeeyay in waqtigu yahay mid ku habboon in hay’adaha kala duwan iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay wajahaan dariiq siyaasadeed oo lagu wajaho Al-Shabaab, koox muddo labaatan sano ka badan dagaal kula jirtay dowladda dhexe.

“Waxaan aaminsanahay in hadda uu jiro is-afgarad guud oo ah in Al-Shabaab lagu xallin karin kaliya xal militari,” ayuu Saul u sheegay warfidiyeenka. “Waxaan dowladda ku dhiirrigelinayaa inay kordhiso dadaalladeeda ku aaddan wadahadal lala galo xubnaha kooxda ee u furfuran nabadda, iyadoo la adeegsanayo dhaqanka Soomaalida ee ku saleysan is-qancin iyo gogol nabadeed.”

Saul ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay diyaar u yihiin in laga wada hadlo mustaqbalka dalka, hase yeeshee aysan jirin dadaal muuqda oo dhanka dowladda ah.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay maleeshiyaadka beeleed ee loo yaqaanno Macawiisley tacaddiyo ba'an oo ay ka geysteen gobolka Hiiraan, oo ay ku jiraan dilal arxan darro ah sida madax-goynta maxaabiista la qabtay. Tacaddiyadan ayuu sheegay inay halis gelinayaan dadaallada nabadda.

Intaa waxaa dheer, Ben Saul wuxuu si adag u dhaleeceeyay dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyay xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda, isagoo sheegay in weriyayaal la xiray si sharci-darro ah, la handaday, sidoo kalena laga xayiray akoonnadoodii baraha bulshada iyo degelladii warbaahinta, kaliya sababtoo ah waxay tabiyeen warar la xiriira falalka argagixiso.

Maalmo ka hor, Dowladda Mareykanka – oo ah taageeraha ugu weyn ee dhaqaale ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) – ayaa hanjabaad u dirtay in ay joojin doonto taageerada haddii aan la helin waxqabad iyo isbahaysi muuqda oo caalami ah.

Xukuumadda Federaalka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u qirtay in laga yaabo in la furo wadahadal lala galo Al-Shabaab, balse waxa uu sheegay in aysan "weligeedba dhici doonin in laga doodo arrimaha siyaasadda inta aysan jirin guulo la taaban karo oo dhinaca dagaalka ah.”

Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaano muhiim ah oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, iyagoo sidoo kale kordhiyay weerarradooda todobaadyadii la soo dhaafay. Dowladda ayaa isku dayaysa inay ka hortagto xagjirnimada dhallinyarada iyada oo adeegsanaysa culimada diinta, balse dadaalladaasi weli miro ma dhalin.

Isku-dayo hor leh ayaa sidoo kale lagu beegsanayaa maalgeliyeyaasha Al-Shabaab, iyadoo la xiray xisaabaad bangiyo iyo shirkado hawlgaliya adeega lacagaha mobilka ee la tuhunsan yahay inay maalgelinayeen kooxda. Inkastoo ciidamadii AUSSOM laga dhimey 20,000 oo askari ilaa 11,900, haddana waxaa socda qorshe lagu codsanayo in 8,000 oo askari dheeri ah la keeno.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ugu dambeyn ku baaqay in xal waara oo siyaasadeed laga gaaro colaadda daba dheeraatay, halkii laga sii wadi lahaa dagaal aan laga fiirsan oo dhibaato ku ah shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kheyre: Xasan Sheekh waa inuu joojiyaa doorashadda macmalka ah ee uu ku riyoonayo

Hadalkan ayaa imaanaya xilli muran iyo dhaliilo xooggan ay ka taagan yihiin hannaan doorasho oo dowladda Federaalka ay wado.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 04:53PM

Kenya oo Joojisay Furitaanka Xafiiska Somaliland ee Nairobi

Somaliland oo sheegtay inay ka go’day Soomaaliya 1991, balse aan weli helin aqoonsi caalami ah, ayaa xiriir wanaagsan la leh Kenya.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 02:26PM