QM oo wada dadaalo lagu dhamaynayo khilaafka Baydhabo

Image
Image
Image

[GO, Isniin, Sep 8, 2014]- Magalada Baydhabo waxaa ka socda dadaalo xoogan oo lagu damacsan yahay sidii lagu dhamayn lahaa khilaafka siyaadeed oo la rumaysan yahay inuu caqabad ku noqon karo dhismaha maamulka Saddexda gobal ee Koonfur galbeed Somalia.

Ergayga QM ee Somalia Nichalas Kay ayaa maanta oo Isniin ah gaaray magalada Baydhabo, wuxuna kulamo la qaatay Afhayeenka Baarlamaanka Somalia Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo guddiga wada howlaha dhismaha mamulka saddexda Gobal.

Danjire Kay ayaa ka xog waraystay Jawaari halka ay marayaan shirarka Baydhabo ka socda ee salka ku haya dhamaynta xiisadaha is-diidan ee mamulada ku saabsan iyo qancinta mamulka lixda Gobal Koonfur galbeed.

Wararka la helayo ayaa sheegaya Kay inuu la kulmay madaxwaynaha lixda Gobal Madoobe Nuunow Maxamed isla markasna kala hadlay ka mid noqoshada mamulka saddexda gobol ka kooban kaasoo uu sheegay inuu ogal yahay dastuurka dalka u yaal ee qabyadda ah iyo beesha caalamka.

Nuunow ayaa horay  qaadacay heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ee lagu midaynayay maamulada is-diidan si loo helo mid qura wuxuna xiligaasi cadeeyay inuusan raali ka ahayn heshiiskaas isla markasna aysan cidna uga qayb galin.

Afhayeenka Baarlamaanka Jawaari oo maalmihii lasooo dhaafay ku sugnaa Baydhabo ayaa kulamo la qaatay shacabka iyo siyaasiyiinta Gobalka, arrimaha ugu muhiimsan ee uu kala hadlayayna ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin taageerida mamulka saddexda Gobal iyo dowladd wanaaga.

Ra'iisul Wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed oo todobaadkii hore tagay Baydhabo ayaa garoonka diyaaradaha ee magaladaasi kula hadlay madax uu ka mid yahay Jawaari wuxuna ku dhiirigaliyay in la taageero howlaha nabadaynta ee ka socda Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM