Madmadow ku jira sharci uu Farmaajo saxiixay oo lagu baaqay in la xaliyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in laga jawaabo su'aalo "wali ku geedaaman" sharciga doorashooyinka Soomaaliya oo uu saxiixay madaxweyne Farmaajo markii baarlamaanku ansixiyey.

James Swan, ergayga UN-ka u qaabilsan, ayaa "talaabo muhiim ah" ku qeexay in la helo xeerka, wallow ay diideen maamulada qaarkood.

Su'aalaha ku geedaaman ayuu tilmaamay in ay yihiin "kuwa ay muhiim tahay in la wajaho kahor inta aan la dhaqan-gelin".

"Su'aalahaas waxay la xiriiraa; degaan doorashada, qoondada haweenka, iyo qaabka Soomaalida ku sugan guud ahaan dalka ay qeyb uga noqon karaa [doorashadda]," ayuu u sheegay Golaha Ammaanka.

Mr Swan ayaa ku booriyey baarlamaanka, guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, dowlada federaalka, maamulada iyo saamileyda in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan ku xaliyaan arrimahaan taagan.

"Waxaa waajib ah in maamul goboleedyadda ay xaqiijiyaan in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka uu ka howlgalo guud ahaan dalka si uu u agaasimo doorashooyinka," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, waxaase la gelinayaa shaki, sababta ugu weyn ee loo aaneynayo waa amniga oo aan sugeyn iyo awooda Al-Shabaab oo wali jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM