QM oo ku ammaantay Jubbaland la-dagalanka Al-Shabab

Image

November 6, 2014 (GO)-Wafdi ay hoggaaminayso ku xigeenka wakiilka Qaramadda Midoobey ee Somalia Fatiha Serour ayaa maanta oo Khamiis ah gaartay magaladda Kismaayo ee xarunta mamulka Jubbaland.

Shir gaar ah ayay Serour iyo madaxwayne Axmed Madoobe ku yeesheen aqalka madaxtooyadda kaasoo looga hadlay wada shaqeynta mamulka Jubbaland iyo Qaramadda Midoobey iyo sidii loosii xoojin lahaa.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa sheegay inay isku afgarteen isaga iyo wafdiga ka socday QM waxyaabihii laga wad hadlay, wuxuna ka mahad celiyay taageeradda Hay'addaha QM siiyaan mamulka uu xukumo.

Danjire Fatiha Serour ayaa soo dhaweysay guulaha ay ciidanka maamulka KMG ah ee Jubbaland iyo kuwa AMISOM ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Haweenaydan ayaa sheegtay QM inay taageerayso dib u heshiisiinta laga gaaray beelaha iyo hirgalinta nidaamka mamulka wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirrada Gaashaandhigga Masar iyo Soomaaliya oo ku kulmay Qaahira si ay u xoojiyaan iskaashiga milatari

Masar ayaa qorsheyneysa inay ku biirto Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

  • Soomaliya

    30-09-2025

  • 12:04PM

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo dilay xubno Daacish katirsan

Ilo madax bannaan ayaa xaqiijiyay in Puntland ay ku weyday hal askari howlgalkaasi ka dhacay Calmiskaad.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 01:46PM