QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga madaxabannaan ee dhiiri gelinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xuriyadaha aasaasiga ah ee Qaramada Midoobay, Ben Saul, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Soomaaliya intii u dhaxeysay 10 ilaa 20 May 2025.

Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in la qiimeeyo sida sharciyada iyo siyaasadaha Soomaaliya ee ka dhanka ah argagixisada ugu waafaqsan yihiin shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga bini’aadantinimada iyo xeerarka qaxootiga.

Prof. Saul ayaa amaanay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dhinaca la-dagaallanka argagixisada, kuwaas oo uu ku sheegay in ay isugu jiraan hawlgallo ciidan, la-dagaalanka xagjirnimada iyo wax ka qabashada sababaha keena dagaal gelidda, balse wuxuu si weyn uga digay sharciyo ballaaran oo khatar ku ah xorriyadaha muwaadiniinta.

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah. Intii uu booqashada ku jiray, wuxuu helay warbixino la xiriira xarigyo aan sharciyeysnayn, xabsi dheer oo aan maxkamad la’aan ah, iyo jir-dil lagu sameeyay maxaabiis.

Wuxuu si gaar ah u cambaareeyay in maxkamadaha ciidan loo adeegsado dacwadaha argagixisada, isagoo ku tilmaamay kuwa ka madax bannaaneyn garsoorka, kana madhan dammaanad-qaadyada cadaaladda. Wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ka dhan ah adeegsiga maleeshiyaad beeleed iyo xaaladaha xabsiyada dalka, kuwaas oo uu sheegay in aysan gaarsiisnayn heerarka caalamiga ah.

Prof. Saul ayaa hoosta ka xarriiqay in sharciyada la-dagaalanka maalgelinta argagixisada ay caqabad ku noqdeen gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo iyo hawlaha hay’adaha bulshada rayidka, isagoo sidoo kale xusay in xorriyadda saxaafadda ay si xun u saameeyeen.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay dhisto hay’ado madax-bannaan oo korjoogto ka noqda howlaha amniga, isla markaana la xoojiyo hannaanka isla xisaabtanka iyo dowlad wanaagga. Beesha caalamka ayuu ugu baaqay in aysan ka jeedsan taageerada Soomaaliya, xilli uu sheegay in ay jiraan jaris deeqo muhiim ah.

“Waa xilli xasaasi ah oo Soomaaliya wajaheyso. Taageero joogto ah oo caalami ah ayaa lagama maarmaan u ah nabadda, xoojinta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri.

Saul ayaa warbixin dhammaystiran oo ku saabsan booqashadiisa la horgeyn doona Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay bisha Maarso 2026.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM