Qodobka Farmaajo ka hortaagan in uu saxiixo Sharciga Hantidhowrka
GAROWE, Puntland – Hal qodob oo ku jira Sharciga madax-banaanida Hantidhowrka Qaranka waa sababta uu madaxweyne Farmaajo u saxiixi la'yahay xeerkaas, sidda uu daaha ka rogay siyaasi xog-ogaal ah.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa sheegay in qodobkaas uu yahay in Hantidhowraha uu si toos ah u hoos-tagayo baarlamaanka federaalka ah.
Sidda laga soo xigtay wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, golaha Senate-ka ayaa dib ugu celiyey Golaha Shacabka markii uu bedelay qodobkaas kana dhigay in uu hoos-tagayo xukuumadda dhexe.
Kadib saxitaan, Aqalka Sare ayaa ansixiyey xeerka, wuxuuna u gudbiyey madaxweyne Farmaajo uu ka cagajiidaya in uu saxiixo qodobkaas awadiis, oo ah Hantidhowraha hoostagayo baarlamaanka.
"Xukuumadda hadii la hoos-geeyo oo uu noqdo qof la magacaabayo oo xil la siin karo baaris kuma sameyn karo xukuumadda," ayuu raaciyey, isagoo ku daray in xeerarka caalamka ay xeerinayaan in Hantidhowraha uu madax-banaan yahay isla markaana hoostago baarlamaanka.
Dhanka kale, madaxda talada haysa ayuu ku dhaliilay in ay iska indhatirayaan xaqiiqada dalka jirta oo ah in go'aanada masiiriga ah ay muhiim tahay in ay ku yimaadaan hanaan talo wadaag ah.
"Dowladnimadeena markii ay duntay awoodii waa la qeybsaday, madax-banaanidii waa qeyb-san tahay, siyaadadii qaranka waa qeybsan tahay, qaar halkaan aan joogno [Puntland] ayay taalaa, qaar Xamaruu yaalaan, kuwa kalena maamul goboleedyada kale ayay yaalaan, dowladda awood ay xukunka ku haysato ma haysato, awood ay sharci ku fulin karto malahan, iskuweerka madaxtooyadda ay degan tahay ma dhaafi karto, ammaankeeda ciidan ajnabiga ah ayaa ilaaliya, biilkeeda Beesha Caalamka ayaa bixisa, maxkamadeeda dastuuriga ahna Twitterada safaaradaha ajnabiga ayaa ah, hadii runta leysku sheego," ayuu ka dhawaajiyey Cabdiraxmaan.
Farmaajo ayuu si toos ah ugu eedeeyay in uusan diyaar u ahayn in waddanka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay, isagoo u cuskaday hab-dhaqankiisa ka caagan la hadalka daneeyeyaasha siyaasada.
Hadaladaan ayuu Cabdiraxmaan ka sheegay Madasha PDRC Talks oo uu ka qeybgalay fiidkii Axada, 30-ka August, 2020, taasoo ciwaankeedu ahaa dowlad dhiska Soomaaliya iyo mar-xalada kala guurka.
Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, hase ahaatee, waxaa laysku raacay in aysan dhici karin walina laguma heshiis nooca iyaddoo waqtiga uu gabaabsi sii yahay.
GAROWE ONLINE