Qodobo laga soo saarey shirkii DF iyo musharaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afar qodob ayaa laga soo saarey shirkii magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Midowga Musharaxiinta madaxtinimada.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in dowladda federaalka ay cambaareyneyso dhacdooyinkii 19-kii Febraayo ka dhacay Muqdisho ayna ka tacsiyeyneyso dhimashadda.

"Sidda uu qabo qodobka 20aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee JFS, qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo kana qeybgalo banaan si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo. Sidaas darteed, xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay damaanad-qaadeysaa in ay ilaalineyso xuquuqdaas dastuuriga ah," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa lagu tibaaxay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo musharaxiin ay kawada shaqeynayaan in banaanbaxa uu si nabadeed ugu qabsoomo.

"Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta waxay isla garteen in dib loo dhigo banaanbaxii loo balansanaa maalinta berri oo Jimce ah," ayaa lagu soo xiray.

Daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya ayaa si weyn isha ugu haayey wadahadaladan, waxaana ay xooga ku saarayaan ka qeybgaleyaasha in ay is-afgarad rasmi ah gaaraan.

Balse, su'aasha ugu weyn ee taagan ayaa waxay tahay hadii dowladda federaalka ah ee waqtiga ka dhamaadey ay fulin doonto heshiiskan maadaama ay horey ugu fashilantay fulinta is-afgaradyadii hore.

Hoos ka akhriso qoraalka

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM