Qofkii saddexaad oo degaanada Jubbaland ugu dhintay Coronavirus

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay in qofkii sadexaad uu degaanadda maamulkaas ugu geeriyooday fayruska safmarka ah ee Covid-19.

Wasiirka caafimaadka maamulkaas, Mursal Maxamed Khaliif oo la hadlay Madasha PDRC Talks, ayaa sheegay in ay jiraan dad kale oo u dhimanaya cudurka, balse aysan marin xaqiijinta rasmiga ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Mursal ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in illaa iyo haatan ay xaqiijiyeen 55 qof oo qabta caabuqaas faafa.

Balse, ma jirto cid kasoo bogsootay, wallow wasiirku ka dhawaajiyey in bukaanada ka caafimadaya ay baahan yihiin hubin dheeri ah.

"Lama dhihi karo qofka wuu ka caafimaadey illaa iyo saddex ama laba jeer laga baaro lagana waayo," ayuu hadalkiisa ku daray.

Jubbaland ayaa kaalinta saddexaad kaga jirta liisaska maamulada dalka ee laga soo sheegay kiisaska ugu badan fayruska. Banaadir iyo Puntland ayaa safka hore ku jira, halka Somaliland ay 3aad tahay.

Guud ahaan xaaladaha xanuunka ee waddanka ayaa maraya 1,270. Wuxuu galaaftay 52 ruux oo badankooda ku dhintay magaaladda Muqdisho. Waxaa ka caafimaadey in ka badan 120, sidda xogta ku cad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Galaysa Marxalad Cusub Xilli uu Dhammaaday Hawlgalka UNTMIS

Kala-guurka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta hay’adaha federaalka iyo hagaajinta amniga.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:31AM

Xasan Sheekh oo ku guuldarraystay inuu Museveni ku qanciyo sii joogitaanka ciidamada Uganda

Museveni ayaa kulanka ku sheegay in dhibaatooyinka Soomaaliya ay salka…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 10:10PM