Qoondada EU-da ee dayactirka Stadio Muqdisho oo la shaaciyey

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa wuxuu kaga qeyb-qaatay dayactirka garoonka kubadda cagta Muqdisho aduun dhan 1.5 milyan oo Doolar-ka Mareykanka ah, sidda ay sheegeen saraakiil kala duwan.

Guud ahaan qalcadda ayaa lagu sameeyay dayactir, si gaar ah qeybta VIP, qolalka qubeyska, qolalka shirarka iyo qeybta baabuurta la dhigto.

Sidda ay xogta muujineyso, balse, waxaa jiri doona weji labaad oo dib loogu dhisi doono huteel iyo maxkamadaha Isboortiga waddanka.

Stadio Muqdisho oo qaada 35,000-40,000 ruux waa kan ugu weyn dalka, waana fadhiga qaranka uu ku ciyaari doono kulamadaheerka caalami.

Waddooyinka gala garoonka ayaa dayactir lagu sameeyay, waxaana ay qayb ka ahayd mashruuc oo ay maalgelintiisu qayb ka ahaayeen Denmark iyo hay'addo kale, waxaana fulineysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sanadkii 1988 ayaa ahayd markii ugu dambeysay oo qaranka uu ku dheelo, wixii xiligaas ka dambeeya waxaa la adeegsanayey garoomada Jabuuti.

Dagaaladii sokeeye ee waddanka dhacay ayaa saameeyay, waxaana isku bedelay jabhadihii, ciidamadii shisheeye argagixisadda iyo ciidanka AMISOM.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xariga ka jaray asbuucii lasoo dhaafay kadib bilooyin dayactir lagu sameynayey, wallow daqiiqado kadib markii uu daah-furay ay madaafiic ku weerartay Al-Shabaabka xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM