Qoor-qoor oo magacaabay wasiiro ka dhimanaa xukuumadiisa

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa wasiiro cusub u magacaabay Wasaaradaha Qorsheynta & Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xanaada Xoolaha.

Labadaan wasaaradood ayaa nan qeyb ka ahayn shaacinta liiskii ka koobanaa 23-ka ee Jimcadii lasoo dhaafay uu Qoor-qoor kaga dhawaaqay magaala madaxda Dhuusamareeb.

Sidda ku xusan wareegtada kasoo baxdey xafiiska Qoor-qoor, Cabdinaasir Geelle Elmi ayaa loo xushay jagadda wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Sidoo kale, Maxamed Cabdi Maxamed ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda xanaanada Xoolaha, sidda ku xusan digreetada uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee wasiiradda ay haatan noqoneyso 25 xubnood. Waxaa ku jira mudaneyaal ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Baarlamaanka ayaa qorshuhu yahay in ay dhowaan hortagaan si ay uga helaan codka kalsoonida. Lama shaacin waqtiga, wallow ay jirto cabsida faafitaanka cudurka dilaaga ah ee Covid-19.

Hal kiis oo positive ah ayaa laga xaqiijiyey degaanada Galmudug gaar ahaan koonfurta Gaalkacyo. Bukaanka oo karantiil gaar ah ku jira waxaa la fahansan yahay in uusan geli wax safar dhowaan.

Wareegtada magacaabida

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM