Qoor-qoor oo xaflad xilka kula wareegay xili ay jirto halista Corona

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa ugu dambeyntii waxa uu xilka madaxweynaha ku wareejiyey Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], hogaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug.

Xil-wareejinta ayaa ka dhacday munaasabad kooban oo caawa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda dowlad goboleedkaas.

Labada mas'uul oo hadalo kooban ka jeediyey goobta ayaa muujiyey farxad, waxayna balanqaadeen in ay wadashaqeyn doonan.

Xaaf oo horey diidey in uu aqoonsado doorashadda Qoor-qoor, ayaa dhowaan ogolaadey in uu xafiiska baneeyo kadib wadahadalo hoose iyo is-afgarad uu la galay Qoor-qoor.

Qoor-qoor oo ololihiisa ay taageertay Villa Soomaaliya, ka tirsanaa xukuumadda ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la doortay bishii Febraayo ee sanadkan, wallow uu buuq ka dhashay guushiisa.

Kadib dedaalo kala duwan, wuxuu ku guuleystay in uu "qanciyo" mucaaradkiisa, wallow ciidamadda dowladda ay weerareen xaruntii Ahlu Sunna ee Dhuusamareeb, taas oo dhalisay khasaaro naf iyo maalba leh.

Hogaankii Ahlu Sunna ee xubnaha laga siiyey baarlamaan goboleedka Galmudug ayaa markii looga adkaadey doorashada isaga baxay magaaladda, iyagoo ku adkeystay in ay "u tanaasuleen danta Galmudug".

Xaflada xil-wareejinta ee la qabtay ayaa kusoo aadeysa xili ay sareyso cabsida laga qabo faafitaanka fayruska Corona, kaas oo kiisas gaaraya 25 laga helay guud ahaan Soomaaliya, laba qofna ku dilay Muqdisho.

Shaqsiyaadka uu galaaftay Covid-19 waxaa kamid ah wasiiru dowle ka tirsanaa HirShabelle, Khaliif Muumin, kaas oo sidoo kale ahaa Xildhibaan baarlamaanka maamulkaas qeyb ka ahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo rogtay talaabooyin looga hortagayo caabuqaas, waxaana kamid ahaa in la joojiyo kulamada dadweynaha, munaasabadaha iyo bandow ay kusoo rogtay caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM