Qoorqoor oo iska-difaacay eedeyn loo jeediyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa iska difaacay eedeynta uga timid dhigiisa Jubaland, Musharaxiinta, Afhayeenka Aqalka Sare.

Dhinacyaddan ayaa sheegay in Qoor-qoor uu ka been-abuuray dhexdhexaadintii uu u sameynayay dowladda iyo darafyadda kasoo horjeeda.

Qoor-qoor ayaa lagu haystaa hadalkii uu sheegay ee ahaa in uu jawaab ka waayey madaxdii uu kula kulmay Garowe kadib markii uu la wadaagay mowqifka Villa Soomaaliya ee fariintii ay uga soo dhiibeen caasimadda dowladda Puntland.

Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu si gaar ah carabka ugu dhuftay, isaga oo wax laga xumaado ku sifeeyay in uusan soo hadal-qaadin mas'uuliyiinta ay ahayd in uu fariinta Villa Soomaaliya gaarsiiyo.

Sidda laga soo xigtay Qoor-qoor, dowladda Soomaaliya ayaan ku dhawaaqin in ay qabaneyso doorashooyin ay ka maqan yihiin maamulada Jubaland iyo Puntland.

"Anigu ma maqlin meel lagu qabanayo doorashooyin ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland. Doorashadda waa lagu heshiiyey in laga wada qeybgalo. Waa sax in ay tabashooyin jiraan, mar walbana waxa laga wada hadlayey waa in lawada xaliyo," ayuu hadalkiisa ku daray Qoor-qoor.

Hogaamiyaha maamulka Galmudug ayaa u muuqda mid ku fashilmay in uu kasoo dhalaalo doorkiisa dhexdhexaadinta isla markaana si toos ah ugu milmay ololaha dib u doorashada Farmaajo taasoo lumineysa fursad uu kalsooni kale ku helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM