Qoorqoor oo ku wajahan Garowe kadib kulankii Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor], ayaa dib ugu laabanaya magaaladda Garowe ee caasimadda dowladda Puntland, sidda uu fahansan yahay Garowe Online.

Socdaalka Qoorqoor, sidda ay warbixinadda qeexayaan, ayaa salka ku haya laba arrimood oo kala ah;

- Ka qeybgalka munaasabada 8-Janaayo oo ku beegan laba sano guurada kasoo wareegatay markii la doortey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

- Sidoo kale, safarka Qoorqoor ayaa daba socda shir ay xalay Garowe ku yeesheen musharaxiinta ku sugan Garowe iyo hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug.

Qoorqoor oo kasoo duulaya magaala madaxda Muqdisho halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha hay'adda sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Daahir ayaa u kala dab-qaadaya Villa Soomaaliya iyo madaxda Puntlanx iyo Jubaland oo ay wehliyaan musharaxiinta.

Qodobka ugu weyn ee Qooroor xalka u goobayo waa arrinta gobolka Gedo iyadda oo warar horudhac ah oo kaga helayo is-afgaradka laga gaarey ay muujinayaan in la isla qaatay in Villa Soomaaliya iyo hogaanka Jubaland ay kala qeybsanayaan kuraasta labada aqal ee gobolkaas.

Heshiiskan ayaa la macno ah in doorashadda ay noqon doonto mid uu hareeyo musuqmaasuq xooggan maadaama kuraasta lagu kala qeybsanayo banaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si adag wuxuu u diidan yahay in uu mar kale miiska wadahadalka la fariisto madaxda maamuladda si wada ogol looga gudbo is-qabqabsiga ka taagan habraaca doorashooyinka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM