Qoorqoor oo magacaabay wasiir ku xigeeno iyo wasiiru-dowlayaal

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa magacaabay 11 wasiiru dowlayaal iyo 25 wasiiro ku xigeeno, sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Bishii April ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii Qoor-qoor uu soo magacaabay 25 wasiiro oo ay ku jiraan mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka federaalka kuwaas oo ka tanaasulaya Xildhibaanimadooda.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee Golaha Xukuumadda Galmudug ay haatan tahay 39 xubnood. Marka laga reebo qaar mooyee, badi wasaaradahan malahan xarumo rasmi ah oo ay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale, dadka ka naqdiya siyaasadda Qoor-qoor ayaa su'aal gelinaya Miisaaniyadda ku baxeysa Golaha Wasiiradda "maadaama maamulku la daalaadhacayo dhaqaale xumo".

Wararka ayaa intaas ku daraya in Qoor-qoor uu sidoo kale ku mashquulsan yahay soo magacaabida agaasimeyaasha Wasaaradaha, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay muddo qaadan doonto soo bandhigidooda.

Qoor-qoor oo xiriir dhow la leh Villa Soomaaliya ayaa ka kamid ahaa wasiiradda xukuumadda ra'iisul wasaare Khayre oo la aaminsan yahay in ay ku taageertay siddii uu hogaanka ugu qaban lahaa mamaulkaas.

Doorashadiisa waxaa hareeyay buuq siyaasadeed, wallow kolkii dambe lagu guuleystay in la dhameeyo isla markaana uu taageero ka helay xubnaha Beesha Caalamka oo ku booriyey in uu keeno xal kama dambeys ah.

Hoos ka akhriso magacyadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM