Farmaajo oo shaaciyey mowqifkiisa doorashada kahor shirka maamuladda

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyne Farmaajo ayaa kasii horudhacay mowqifkiisa doorashooyinka 2020-21 kahor shir-madaxeedka lagu waddo in ay yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo maamulada.

Farmaajo ayaa aragtidiisa ku caddeeyay kulan uu la qaatay "Hogaanka ururada bulshadda Rayidka" oo uu ku qaabilay magaaladda Dhuusamareeb.

Caasha Geelle Diiriye, oo kamid ahayd xubnaha la kulmay, ayaa xaqiijisay in Farmaajo ku adkeystay in uu doonayo in coddeyn qof iyo cod ah ku qabto mudada uga hartay xil-heyntiisa oo ku eg bisha Febraayo 2021-ka.

Caasha ayaa xustay in Farmaajo uu u sheegay in "ugu yaraan hadii la gaari waayo waddanka oo dhan ugu yaraan in la bilaabo, si dad badan oo ka faa'iideysan lahaa oo aan jecleyn horumarka Soomaaliya ay u arkaan".

Sidda laga soo xigtay wasiirkii hore ee haweenka Puntland, madaxweynaha ayaa u hanqal-tagaaya "doorasho ka duwan kuwii horey u dhici jiray".

Maamuladda oo isla Dhuusamareeb ku shiray horaantii bishaan July ayaa isku raacay in coddeynta 2020-21 aysan noqon karin qof iyo cod, iyagoo dalbaday in heshiis mideysan laga gaaro nooca lagu galayo doorashada.

Madaxweynaha dalka ayaa caasimadda Galmudug tegay shalay kadib casuumaad ay u fidiyeen maamulada si is-afgarad looga gaaro mar-xalada kala guurka.

Inkasta oo mowqifka rabitaanka Villa Soomaaliya ee doorasho qof iyo cod uusan ahayn wax qarsoon, haddana shaacinta madaxweynaha ee shirka maamulada kahor waxay su'aal gelineysaa natiijada kasoo bixi kara kulanka.

Dhanka kale, Ururada Bulshadda Rayidka ayaa beeniyey qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda oo ahaa in ay taageereen doorasho qof iyo cod intii uu socday kulankii ay la yeesheen madaxweynaha.

Maxsuulka shirka u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo maamuladda oo aan si rasmi ah loo ogeyn waqtiga uu ka furmayo Dhuusamareeb ayaa muhiim u ah qaabka uu dalka uga gudbayo kala guurka uu wajahayo.

Warar dheeraad ah: Farmaajo ayaa kulan ay albaabada u xiran yihiin wuxuu Madaxtooyadda Galmudug kula leeyahay madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, isagoo kala hadlaya qorshiisa doorashada aan lagu heshiin.

Hoos ka akhriso Bayaanka Ururada Rayidka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay Kororka Tirada ardayda galaysa Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland ?

Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxay ballan qaaday in ay sii wadi doonto horumarinta waxbarashada deegaanada.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 07:16AM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Soomaaliya ku hogaaminayo burbur iyo kala-qeybsanaan 

Warqadda uu soo saaray ayaa si cad uga digtay khataraha soo wajahayso dalka, gaar ahaan daciifnimada midnimada qaran.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 06:28AM