Qorshaha uu Farmaajo "ku fashilin rabo" Dhuusamareeb 3 oo la dusiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa naqshadeeyay qorshe uu doonayo in uu ku fashiliyo Shirka Dhuusamareeb 3, kaasoo ah in uusan magacaabin xukuumad, sidda uu daaha ka rogay siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo war-fidiyeenka kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa aaminsan in qorshahaas uu mugdi sii gelinayo xaalada dalka.

Sidda laga soo xigtay Cabdiraxmaan, guddoonka Golaha Shacabka ayaa madaxweynaha ku wehliya meelmarinta qorshahaas; waxaana uu soo bandhigay ujeedada ugu weyn oo ay ka leeyihiin.

"[Waa] si aan loo ogaan qorshaha ay xukuumadaas ka leedahay siyaasadda waddanka," ayuu Mr Warsame raaciyey hadalkiisa.

Eryidii Xasan Cali Khayre ayuu aaminsan yahay in ay Madaxtooyadda ku fashilineysay natiijadda go'aanadii Dhuusamareeb 2.

"Ujeedka wuxuu ahaa in la fashiliyo Dhuusamareeb 2; Dhuusamareeb 3-na waxa lagu fashilinayo waxay waaye in aan xukuumad la magacaabin, ra'iisul wasaare la magacaabin, wax walba oo kasoo baxana madaxweynaha uu sheegto in uu baarlamaanka ku celinayo; marka uu yiraahdo baarlamaanka ayaan ku celinayaa inta ra'iisul wasaare iyo xukuumad gacan ku rimis ah inta la magacaabo la yiraahdo ah mashruuca xukuumadda oo saddex sano ku saleysan oo muddo kororsiga ah; baarlamaanka ha la isla geeyo, sidaad og-tihiina baarlamaanka intiisa badan oo guddoonka ugu horeeyo waxa ay raadinayaa waa muddo kororsi; doorasho qof iyo cod oo ay ku celcelinayaa qofka oo Soomaaliyeed saqiir iyo kabiir in ay muddo kororsi tahay waa og-yahay," ayuu yiri.

Farmaajo ayuu ugu baaqay in uu soo magacaabo xukuumad kahor inta aan la isugu tagin Dhuusamareeb 3 bishan August gaar ahaan 15-keeda.

"Ma dhici karto in xukuumad la’aan lawada hadlo xilliga kala guurka; su’aashu waxay tahay yaa fulinaya wixii lagu wadahadlay? Ma xukuumad sharci darro ah oo tuugeysi iyo dastuur aan ku dhisneyn miyey dadka Soomaaliyeed ku aaminayaa xilliga kala guurka? Waa maya; Sidaas daraadeeda madaxweynaha waxaan ka codsaneynayaa in uu dhiso xukuumad, magacaabo ra'iisul wasaare; ra'iisul wasaarahaas waxaan rabnaa in uusan noqon ra'iisul wasaare ka shaqeeya xafiiska ra'iisul wasaaraha oo uu noqdo ra'iisul wasaare metelaad ku taagan; dadkana u dhaxeeya mas'uuliyadiisana guta xilliga kala guurka ahna si nabad ah dalka uga bixiya dhibaatada iyo mugdiga uu ku jiro," ayuu xusay.

Wejiga saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb ayaa la filayaa in ay madaxda ka qeybgaleysa si weyn uga doodaan nooca doorashadda, taasoo ay isku aragti ka noqon waayeen kulamadii horey uga dhacay halkaas.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu ay suurtagal ah tahay in uu Shirka dib uga dhaco waqtigii horey loogu muddeeyay, inkasta oo Galmudug oo martigelineysa ay tibaaxdey inuu xiligiisa ku qabsoomayo.

MUUQAALKA SHAKUUR

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM