"Qorshaha uu Farmaajo wafdiga Jabuuti ugu daray Khayre iyo Mursal"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ma jirin ujeeddo istiraatiiji ah oo madaxweyne Farmaajo uu la tagay shirka Jabuuti ee wadahadalka dowladda federaalka iyo Somaliland, sidda uu sheegay hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook kusoo qoray in hogaanka dowladda federaalka gaar ahaan Farmaajo "uu goobayo muddo fursad kordhin ah oo shirka kasoo dhex-baxda".

Villa Soomaaliya ayaa wajaheysa eedeymo ku aadan in ay diiday wadahadalo ay arrimaha doorashooyinka 2020-21 kala gasho madaxda maamulada iyo saamileyda siyaasadda xilli waqtiga uu dhamaad yahay.

Sidda laga soo xigtay qoraalka siyaasiga, ujeedada uu Farmaajo socdaalkiisa Jabuuti ugu daray ra'iisul wasaaraha iyo afhayeenka Golaha Shacabka waa in uu meesha ka saaro "xanta" khilaafka dhexdooda ee coddeynta.

"Tusiyana in uu isagu yahay ninka keli ah ee amarkiisa iyo taladiisa lagu socdo, inta kalana xafiiskiisa ka tirsan yihiin," ayuu raaciyey qoraalkiisa oo dhinacyo kala duwan oo kusoo qaatay.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Cid walba ujeeddo istiraatiiji ah ayey shirka Jabuuti ka lahayd, marka laga reebo hoggaanka Dowladda Federaalka ah. Abiy Axmed oo ah ninka ugu badan oo wadahadalka riixayey wuxuu doonayaa Dekado uu dhulka Soomaaliya ka helo.

Madaxweyne Geelle wuxuu doonayaa istaraatiijiyad macnawi ah, taasoo ah in uu u muuqdo oday Soomaaliyeed oo xalka Soomaalida u taagan.

Ambasador Yamamoto wuxuu riixayaa qorshaha is dhexgalka Geeska Afrika ee dhinaca dhaqalaaha, siyaasadda iyo amniga.

Madaxweyne Biixi wuxuu doonayey fagaare caalami ah oo uu ku garnaqsado, qaddiyadda Somaliland ku soo bandhigo, dawlada Federaalka ah joojiso in taageerada dhaqaale iyo maalgashiga la siyaasadeeyo, iyo in labo dal oo wada hadlaysa loo aqoonsado.

Waa tan keentay in labo dal lagu qoro war-murtiyeedka, warbaahinta rasmiga ah ee Itoobiyana ay daabacday in labo dal oo Bariga Afrika ka tirsan la dhexdhexaadinayey.

Cidda keli ah ee aan istiraatijiyad ka laheyn kulanka waa madaxda Dowladda Federaalka ah. Madaxweyne Farmaajo waxaa u daran muddo kordhin, wuxuu doonayey ilaa iyo haatana weli ku raad joogaa in shirka laga soo saaro roadmap dhigaya in muddo 2 sano ah lagu soo afjaro wadahadalka.

Dad badan ayaa is waydiinayey haddii aysan wax wayn jirin muxuu Madaxweynuhu u kexeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Raysalwasaaraha, isaga iyo wasiirrada ayaaba kulanka ku filanaa?

Ujeeddada uu taas ka lahaa waa in uu soo afjaro nuxnuxda siyaasadeed ee suuqa ku jirta, tusiyana in uu isagu yahay ninka keli ah ee amarkiisa iyo taladiisa lagu socdo, inta kalana xafiiskiisa ka tirsan yihiin.

Haddii aysan sidaa aheyn maxay ka dhigan tahay Raysalwasaare iyo Guddoomiye Baarlamaan oo wafdi Madaxweyne ka tirsan, hadana guddi farsamo ka mid ah?

Haddii aadan aragti fog, istiraatiijiyad iyo qorshe lahayn, ee damac xukun oo keli ah ku wado, waxaad noqonaysaa maskiin lagu maadsado oo madal walbana lagu qoslo.


Wadahadaladda ka dhacay Jabuuti oo qaatay laba maalmood waxaa kasoo baxay natiijo ah guddiyo farsamo oo dhinacyadda u saareen sii waditaanka wada-xaajoodyadda, wallow aan wali aan la shaacin ajendaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM