Qorshe ay DF ku kala qeybineyso dadweynaha oo si adag looga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xeerka metelaada gobolka Banaadir ee la isku khilaafsan yahay waa qorshe ay Villa Soomaaliya ku raadineyso muddo kororsi kuna kala qeyb-bineyso bulshadda, sidda uu shaaciyey siyaasi.

Cabdikariim Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, ayaa ka digay qorshahaas, kuna baaqay in dhinac looga soo wada jeesto.

Guuleed ayaa furtay xisbi siyaasadeed oo la yiraahdo Sahan, waxaana jira warar sheegaya in uu murashax u yahay doorashadda soo aadan. Balse, illaa iyo haatan, si rasmi ah ma uusan u shaacin.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Waxaan baraha Bulshada ku arkayey maalmahii la soo dhaafay dareeno iyo falcelisyo kala duwan oo ka dhashay doodahii ka dhacay Golaha Shacabka ee looga hadlayey Matalaadda Gobalka Banaadir ee Aqalka Sare, dareenadaas oo runtii welwel igu dhaliyey, iiguna muuqdey kuwo aan qurxooneyn oo bulshada kala qeybsanaan kala dhex dhigi kara, hurin kara caadifad qabiil iyo mid deegaan, damqinaya dhaawacyadii aan mudadii la soo dhaafay dhayeynay, kalana fogeynaya bulshada Soomaaliyeed wadajirkeeda, midnimadeeda iyo walaaltinimadeeda intaba.

Waxaa hubaal ah in magaalada Muqdisho ay tahay caasimaddii Soomaaliyeed, magaalooyinka kale ee Soomaaliyeed waxay oga sharfan tahayna ay tahay oo kali ah caasimadnimada, iyo inuu qof kasta u arkayo magaalo madaxdiisii aan laga laheyn, xaq iyo xuquuqna uu ku leeyahay. haddii ay magaalada Muqdisho ay macnahaas ka hoos martana ay maqaamkeeda iyo caasimadnimadeeda hoos laga dhaceyso.

Haddaba waxaan soo jeedin lahaa in caadifadda iyo dareenka ka dhashay doodahaas la dajiyo, lana sii buubuunin, si aan u dhowrno wadajirka, midnimada iyo walaaltinimada dadkeena, iskuna kaashano dhisidda dowladnimadeena iyo qaranimadeena. Anagoo waxii jirana si sax ah oo soomaalinimo ah oga wada hadleyna, isagana qancineyna.

Waxaan shaki ku jirin inay na horyaalaan arimo iyo doodo adag oo u baahan inaan ku wajahno maskax furan, qalbi wanaag iyo dhiiranaan intaba. Waxaana arimahaas ugu horeeya arinka Maqaamka Muqdisho, arimaha la xiriir fedaraaliisimka, qeybinta awoowdaha iyo kheyraadka, qorshaha dhisidda ciidan leh muuqaal qaran iyo arinka Somaaliland. Dhamaantood waa arimo aasaasi ah una baahan in si sax ah oo ka fog caadifad iyo laablakac lagu wajaho.

Sidaa si la mid ah waxaa inoo yaala arimo la xiriira ka gudbinta dalka marxaladaan kala guurka ah iyo qabashada doorashooyin loo dhanyahay oo waqtigeedii ku qabsoonta, heshiisna lagu yahay, si natiijada doorashooyinkaas ay u noqdaan kuwo la isla aqbalo.

Waxaad mooda in kala qeybsanaanta bulshada ay dowladda haatan talada dalka heysaahu ay ka raadineyso fursado waqti dheereysi iyo muddo kororsi, waana inaan ka dheeraana inaan fursadaas siino.

Gabagabadii aan u istaagno kana shaqeyno wax dadkeena mideynaya, isku soo jiidaya, dalkeena iyo dadkeena dhisaya, inana gaarsiin kara horumar iyo xasilooni buuxda oo ay jiilalkeena mustaqbalka u aayaan.

Wadajir iyo midnimo


Dowladda Farmaajo ee muddo xileedka uu gabaabsi ka yahay ayaa wajaheysa eedeymo ku saabsan in ay diidan tahay in ay heshiis mideysan kala gaarto saamileyda doorashada soo aadan, taasoo muhiim u ah kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM