Qoysas Ka Barakacay Dagaalada Baladxaawo oo Soo Gaaray Magaalada Mandheera

Image

MANDHEERA, Kenya – Waxaa sii kodhaya tirada qoysaska ka barakacaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kadib dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Mandheera ayaa sheegtay in saacadahii lasoo dhaafay ay halkaasi gaareen ku dhawaad 200 oo qoys oo ka soo cararay Baladxaawo. Qoysaskan ayaa u badan haween, carruur iyo dad da’ ah.

Qaar kamid ah dadka barakacay ayaa sheegay inay guryahooda uga soo carareen cabsi la xiriirta rasaas culus iyo hubka waaweyn oo ay isdhaafsanayeen labada dhinac ee dagaallamaya.

Waxaa la dejiyey qaar kamid ah barakacayaasha xarumo waxbarasho oo ku yaalla Mandheera kuwaas oo si ku meel gaar ah loogu beddelay xeryo lagu quudiyo dadka, halka kuwo kalena ay la degeen qaraabadoodii horey ugu noolaa magaalada.

Mas'uuliyiinta gobolka Mandheera ayaa bilaabay diiwaangelinta barakacayaasha si loo siiyo gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah. Waxay sheegeen in xaaladda dadkaasi ay tahay mid aad u liidata oo u baahan gurmad degdeg ah.

Barakaca ayaa kusoo beegmaya iyadoo dagaalka Baladxaawo uu sii xoogeystay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay, iyadoo dadka deegaanka ay la tacaalayaan duruufo adag oo ay kamid yihiin hoy la’aan, biyo la’aan iyo cunto yari ba’an.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM