Qoysaska rayidka lagu dilay Muqdisho: Diyo ma rabno, hala toogto askariga

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qoysaska labada qof ee shacabka ahaa ee askariga ka tirsan booliska uu "si bareer ah" ugu toogtay magaaladda Muqdisho ayaa ku adkeystay in ay kaliya ku qancaa in la toogto "gacan-ku-dhiiglaha".

Madiino Cabdullaahi Cabdi, oo ka tagtay cunug dhalan ku dhowaad 30 maalmood, iyo Xasan Cali Cadaawe, oo isku diyaarinayey aqal-gal, ayaa habeenimadii Sabtidii todobaadkan lagu dilay degmada Boondheere.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal ay kamid yihiin xubnaha qoyskooda, ma jirin muran dhexmaray iyaga iyo askariga dilka geystay.

"Askariga ayaa yiri maxaa banaanka joogtiin, kadib xabad ayaan maqlay markii aan banaanka imid waxaan arkay labadooda oo dhulka yaala. Intii Isbitaalka loosii waday ayay dhinteen," ayay tiri hooyada Madiina.

Faadumo, oo isku duubtay askariga si uusan u baxsan isla markaana kadib u gacan-gelisay ciidamo kale oo meesha soo gaarey kuwaas oo durba ka qaadey qoriga, ayaa si furan u codsatay in la toogto.

"Diyo kama rabo, daawana kama rabo, duugna kama rabo, in lay dilo lee rabaa aniga. Waxaan codsanaa in ninkaas abaalmarin leyga keeno. Gabadheyda sidda uu u dilay loo dilo. Wax kale oo aan aaga baahanahay ma jirto aniga," ayay ku sheegtay wareysi ay siisay telefishinka Shabelle.

Askariga dhacdadaan carada iyo banaanbaxyadda dhaliyey ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Aadan, waana maxkamadeyn suge.

Farxiya Cali, oo la dhalatay marxuum Xasan Cali, ayaa sheegtay in walaalkeeda uu ahaa qofka ugu horeeyay oo ay haleeshay xabadda. "Xabadii isaga ku dhacday ayaana dishay Madiina oo aan deris ahayn".

"Waxaan codsanayaa ninkii walaalkey dilay oo gacan-ku-dhiiglaha ah in tiirka la geeyo. Way na karantiileen, ilmaheena guriga in loogu yimaado ayaa la dilay kuma dulqaadan karno taas. Farmaajana filinkaan waa ku daatay ha isaga baxo magaaladda, haddii kale isagoo lugeynaayo ayuu ka baxayaa," ayay hadalkeeda raacisay intii lagu guda jiray wareysiga ay bixisay.

Dhimashada rayidkan aan waxba galabsan ayaa noqotay geeridii ugu horeysay oo uu sababay bandowga caasimadda loogu soo rogay Covid-19 dartiisa. Dowladda ayaa laga dhowrayaa in ay mudankiisa marsiiso askarigaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM