Qoyska Luul Cabdicasiis oo walaac ka muujiyay daacadnimada laamaha ammaanka

Image
Qoyska marxuumada ayaa walaac ka muujiyay caddaalad u helida gabadhooda.

Muqdisho, Soomaaliya - Qoyska marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa maanta la hadlay warbaahina, iyaga oo sheegay inay jiraan dadaaallo lagu doonaya in kiiskan Cadaalada laga leexiyo.

Qoyska marxuumada oo loo haysto inuu gubay Saygeeda ayaa walaac ka muujiyay caddaalad u helida gabadhooda, isla markaana Caddeeyey inaysan oggoleyn Diya ama wadahadal oo ay kaliya ku kalsoon yihiin Cadaalada.

Aabbaha dhalay marxuumada ayaa Yiri: “Eedeysanaha gubay gabadhayda waxaa la doonayaa on la difaaco oo aan cadaalada la horkeenin, Luul waxay wali ku jirta Firinjiyeer, mana la aasayo inta ay caddaalad ka helayso”

Qoyska Luul Cabdicasiis ayaa markale dalbaday in eedaysanaha sharciga la horkeeno, si meesha looga saaro walaaca ay ka qabaan in la sii daayo.

“Madaxweynaha isaga ayaa dalkaan imaam u ah, Waa inuu caddaaladda horkeeno ninkaas,” ayay dhaheen xubno ka tirsan qoyska.

Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ay Hay’adaha amniga kasoo qabteen Koonfurta gobolka Mudug ayaa ku eedeysan dilka xaasikiisa marxuumad Luul Cabdicasiis ka dib markii uu Baasiin ku bilbilay kadibna dab qabadsiiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM