Qunsuliyadda Ethiopia ee Garowe oo joojisey bixinta fiisaha

Image

April 21, 2015 (GO)- Qunsuliyadda safaaradda Ethiopia ee magaalada Garowe ayaa joojisey bixinta fiisaha dalkaas lagu galo.

Dad badan oo saaka tegey xarunta qunsuliyadda ayaa dib usoo laabtey kadib markii lagu wargeliyey in aan wax fiise ah la siin doonin.

Saraakiil ka tirsan qunsuliyadda ayaa dadka u sheegay in sababta bixinta fiisaha loo joojiyey la xiriirto qaraxii shalay ka dhacay magaalada Garowe ee lala beegsaday shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Lama oga in go'aanka Ethiopia yahay mid kumeel gaar ah iyo in sidaas lagu joojiyey hawlihii qunsuliyadda safaaradda Ethiopia ee Garowe.

Ethiopia ayaa horay u xirtey qunsuliyaddii ay ku lahayd magaalada Hargeysa, waxayna laga soo bilaabo xilligaas  qunsuliyadda Garowe ahayd goobta keliya ee dadka ku dhaqan Puntland iyo Somaliland fiisaha ka qaataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM