R/W Somalia oo kismaayo ku wajahan

Image

27 August, 2015 (GO)-Ra'isal Wasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Ujeedada Safarka Sharmaake ayaa salka ku haya xal gaarista khilaafka u dhaxeeya DFS iyo maamulkaasi.

Ammaanka magalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana laga dareemayaa soo dhaweynta R/W Sharmake.

Sharmake ayaa horey u magacaabey guddi Wasiiro ah si xal looga gaaro khilaafka labada dhinac ee ka dhashay baarlamanka maamulka Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM