RW Somalia oo soo xirey kulan looga hadlayay Dastuurka

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Ra'iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Somalia Cumar Cabdirashid ayaa maanta soo xiray kulan muddo labo cisho ah u soconayay xubno matalayay bulshada rayidka ee maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Shabeelha hoose, Hiiraan iyo gobolka Banaadir, waxaana kulankan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka iyada oo looga tashanayay sidii bulshada rayidku qeyb uga qaadan laheyd qabyo-tirka Dastuurka dalka.

Ra'iisul wasare Sharmake oo soo xirey kulanka ayaa xusay muhiimada wadatashiga uu u leeyahay dhameystirka Dastuurka Somalia

"Dalkeena waxa halkaan dhigay waa Xasilooni darri siyaasadeed, waxa maanta aan ka shaqeyneyno waa sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka dalka, si loo helo xasilooni siyaasadee, maadaama Dastuurku qeexayo awoodaha Dastuuriga ah" ayuu yiri Ra'iisul Wasaarahu.

Cumar waxa uu sidoo kale ka hadlay doorashada 2016 oo tilmaamey in loo baahanyahay qorshe cad oo dalka doorasho uga dhici karto  mar hadii aysan dhici doonin doorasho hal qof iyo hal cod ah.

"Mudada yar ee aanu heysano, waxaa nalooga fadhiyaa inaan ku dhameystirno Dastuurka, isla markaana dalka loo helo nidaam suurtagalin kara doorasho, maadaama aan la socono in dalka maanta aysan ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah" ayuu  hadalkiisa ku daray Ra'isul wasare Sharmake.

Shirka labada maalin socday ayaa laga soo saarey 14 qodob oo ay soo gudbiyeen ka qayb galayaasha kuwasi oo ay sheegeen inay muhiim u yihiin doorashada dalka ka dhici doonta 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM