Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo booqasho ku tagey Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid caasimadda Muqdisho.

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa Madaxtooyada ku leh wada-hadallo ku saabsan sidii labada dhinac ay u xoojin lahaayeen iskaashigooda dhinacyada amniga, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga, ilaalinta xasilloonida gobolka iyo la dagaallanka argagixisada, taas oo caqabadda ku ah horumarka shucuubta labada dowladood.

Kahor imaanshaha Abiy Axmed, nawaaxiga Garoonka waxaa kusoo dhacay dhowr hoobiye, oo khasaaro geystay, iyadoo amniga dartiisa loo xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho, lana joojiyay duulimaadka diyaaradaha shacabka.

Labada dal ayaa heshiis ku gaarey magaalada Ankara ee dalka Turkiga bishii December 2024, kaas oo lagu soo afjaray xiisaddii u dhaxaysay Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo ka dhalatay heshiiskii badda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu la galay Somaliland.

Heshiiska Ankara ayaa muhiimad weyn u leh xoojinta xiriirka labada dal, isagoo dhameystiraya wadahadallada iyo iskaashiga gobolka.

Booqashadan ayaa ah mid muhiim ah, iyadoo labada hogaamiye ay ka wadahadli doonaan arrimo dhowr ah oo saameyn ku leh iskaashiga labada dal iyo xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM