Ra'iisul Wasaaraha magacaaban oo wajahaya baarlamaanka

Image
Mudaneyaasha labada aqal ayaa la filayaa in Sabtida maanta ah ay codka kalsoonida u qaadaan Xamza Cabdi Barre.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in ay maanta oo Sabti ah codka kalsoonida u qaadaan xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya si hadii uu codka helo ula wareego shaqada golaha fulinta.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal shalay kasoo baxay ku sheegay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulan-weynihii Golaha, kaasi oo codka kalsoonida loogu qaadayo ra’iisul wasaaraha magacaaban.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin qoraaleed lagu wargelinayo fadhiga maanta, kaasi oo lagu sheegay in fadhiga uu ka dhacayo Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

“Beri oo Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban. Goobta: Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa – Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo,” ayaa lagu qoraalka loo diray Xildhibaanada.

Kulankan oo la filayey inay Arbacadii yeeshaan Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib ugu dhacay maadama ay dalka ka maqnaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maalmihii tegay kulamo gaar gaar ah la yeelanayey xildhibaannada baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo xooggan.

Xildhibaano badan ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka qaba inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, taasi oo u sahleysa Xamza inuu helo codka kalsoonida.

Caqabadda ugu weyn ee Xamza hortaalla ayaa imaneysa marka uu soo dhiso golaha wasiirada, markaasi oo xildhibaano badan oo golaha iska waaya la filayo inay caqabad ku noqdaan ansixinta golaha wasiirada.

Xamza Cabdi Barre ayaa haddii uu helo codka kalsoonida waxa uu noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii 21-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuuna badalayaa Maxamed Xuseen Rooble oo ah wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM