Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed: Helitaanka Badda Cas Waa U Muhiim Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa mar kale ku celiyey in dalkiisu uu helayo marin badeed, gaar ahaan Badda Cas, isagoo xusay in Itoobiya aanay dhaqaale ahaan horumar samayn karin iyadoo aan marin u helin bad, maadaama ay tahay dal xiran.

Hase yeeshee, Abiy ayaa carabka ku adkeeyay in arrintaasi lagu xallin doono si nabad ah, iyadoo aan la jebinaynin xeerarka caalamiga ah, isla markaana si buuxda loo ixtiraamayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka deriska ah ee leh xeebaha Badda Cas.

“Ethiopia jiritaankeeda kuma suurtagasho la’aanta deriskeeda, deriskuna sidoo kale lama noolaan karo la’aanta Itoobiya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isaga oo xusay in faa’iido wadaag laga dheehan karo wadahadal nabadeed oo sal adag ku dhisan.

“Waxaan rabnaa inaan beerno abuur wanaagsan. Waxaan dooneynaa marin badeed oo ku dhisan mabda’a faa’iido wadaagga, ma aha xoog. Waxaan doonaynaa in wax walba si nabad ah lagu gaaro. Waxaan ixtiraameynaa madax-bannaanida dalalka deriska ah,” ayuu yidhi Abiy, isagoo intaas ku daray in, “Itoobiya waa dal madax-bannaan, si madax-bannaanideeda u dhammaystirnaato, waa in deriskeenu si wanaagsan uga jawaabaan codsigeenna ku aaddan marin badeed.”

Abiy wuxuu xildhibaannada u sheegay in helitaanka badda ay tahay arrin aasaasi ah oo aanan laga hari doonin. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka Itoobiya in si furan looga doodo arrintan halkii laga aamusnaan lahaa ama laga indho tiri lahaa.

Isagoo ka jawaabaya walaac laga qabo suurta-galnimada dagaal gaar ahaan lala galo Eritrea, Abiy ayaa sheegay in Itoobiya aysan doonaynin wax iska horimaad ah. “Kuwa hadal haynta ka dhigaya dagaal ay Itoobiya la gasho Eritrea, waxaan leeyahay annagu dagaal doon ma nihin, iyaguna sidaas ha yeeshaan.”

Si kastaba, wuxuu tilmaamay awoodda ay Itoobiya u leedahay inay isdifaacdo, isagoo xusay in diiradda la saarayo nabadda iyo koboca wadajirka ah. “7-dii sano ee la soo dhaafay, Itoobiya hal dagaal lama galin waddan deriskeeda ah,” ayuu raaciyay, sida ay werisay Addis Standard.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM