Ra'iisul Wasaare Xamse oo weerar afka ah ku qaadey Axmed Madoobe

Image
Wasiirka koowaad ee dalka ayaa sheegay in madaxweynaha Jubbaland aysan u furneyn dib u tartanka madaxtinimada Jubaland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage iyo Taliyihii hore Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Xamse ayaa sheegay in Hanaanka doorasho ee kasocdaa Jubbaland uu yahay mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin, wuxuuna ku eedeeyey MW Jubbaland in uu fulinayo dan aan aheyn tii Soomaaliyeed, oo uu ka baxay dhammaan heshiisyadii uu saxiixay, isagoo kusifeeyey is doorasho in aan la aqbali karin.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa sheegay in madaxweynaha Jubbaland aysan u furneyn dib u tartanka madaxtinimada Jubaland, oo uusan sharciyad haysan, xaqna u laheyn in uu doorasho maamulo, maadaama qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaalnd uu dhigayo in uusan 2 jeer ka badan xilka qaban karin.

"Axmed Madoobe mahaysto wax sharciyad ah iyo wax mandate oo uu ku maamulo doorashada Jubaland, waa sharci darro, waxa ka dhashana waxaa sharci darro, Hal xaaraan ah ma dhasho nirig xalaal ah" ayuu yiri Xamse.

Xamse ayaa ugu baaqay ciidamada Jubaland in aysan qeyb ka noqon arrimaha siyaasadda ee hadda taagan, wuxuuna uga digay dhinaca madaxweynaha Jubbaland in uu ciidamada u adeegsado arrimaha siyaasadda.

"Walaalkay waxaan ugu baaqayaa in uusan ciidamada u adeegsan arrimaha siyaasadda, waana dambi aan lays kaga hari doonin haddii uu qaado, waxayna keeni doontaa in ay ciidanka JL burburaan" ayuu yiri Xamse.

Xamse ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay ciidanku xorreeyay deegaanno badan oo ay khawaarijtu haysteen, isla markaana ay Xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshadu u baahnayd.

Wuxuu sheegay in taliyaha cusub laga doonayo dardargelinta dagaalka dalka lagaga xorreynayo khawaarijta iyo kooxaha nabadda diiddan isagoo tilmaamay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, la wareegidda amniga dalka iyo in ciidanka laga wacyigaliyo waxyaabaha maanka dooriya.

Xamsa ayaa xusay in dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii Xukuumaddan ay jirtay oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabatayntii hubka, taas oo ku timid dedaal badan oo dowladu bixisay, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo inaan xubin ka noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayna markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Booqashada Xamse ee Laascanood waa "Weerar" Ka Dhan ah Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Somaliland ayaa si joogto ah uga digaya in Soomaaliya ay si toos ah u faragelisay arrimaha gudaha ee Somaliland.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 09:24AM

Ciidamada Puntland oo Howlgallo Waaweyn kawada Buuraha Calmiskaad

Puntland ayaa muddo dheer ku guulaysatay inay ka hortagto kooxda ISIS iyo kuwa Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 08:59AM