Ra'isal Wasaaraha D. Federaalka oo tegey Dhuusomareeb

Image

March 7, 2015 (GO)- Ra’isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin uu ka midyahay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Galguduud.

Sharmaarke waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiil ciidan, waxaana soo dhoweynta kaddib wafdiga loo gudbiyey hoolka shirarka ee magaalada Dhuusamareeb halkaasoo uu ka socdo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega gobollada dhexe.

Ra'isal Wasaaraha oo si kooban ula hadlay ergooyinka ka qayb gelaya shirka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay xallinta dhammaan khilaafaadka jira si horumar iyo barwaaqo loo gaaro. Wuxuu sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalku soo dhoweynayso islamarkaana taageersan tahay shirka gogoshiisu taallo degmada Dhuusomareeb.

Muddada Cumar Cabdirashiid Dhuusomareeb ku sugan yahay, wuxuu la kulmi doonaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo ka hadlay hoolka lagu soo dhaweynayay Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin booqashada wafdiga Ra'isal Wasaaruhu Dhuusomareeb ku yimaadeen.

January 10, 2015  ayay ahayd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gaaray magaalada Dhuusamareeb, isagoo daah furay shirweynaha dib-u-heshiisiinta beelaha ku dhaqan gobollada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM