Ra'isal Wasaaraha oo booqdey dadkii ku dhaawacmey qaraxa
February 23, 2015 (GO)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta booqdey Isbitaalka Ordugan, halkaasoo lagu daweynayo qaar kamid ah dadkii kusoo dhaawacmey qaraxyadii saddex maalmood kahor ka dhacay Central Hotel.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u booqdey kana xog wareystay xaaladdooda caafmaad, inkastoo ay ku jiraan Isbitaalka dad ay xaaladoodu adag tahay, Ra’iisul wasaaraha inta uu booqanayey dhaawacyada wuxuu sidoo kale warbixino ka dhageystey qaar kamid ah dhaqaatiirka isbitaalkaas ka hawlgasha.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa kulan la qaatay maamulka Isbitaalka Erdogan ee horay loo oran jiran Digfeer, kulankaas waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa shaqooyinka isbitaalku bixiyo dhammaan dadkuna uga faa'iideysan lahaayen.
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedada booqashadan ay aheyd sidii loosoo eegi lahaa xaaladda guud dadkii ku soo waxyeelloobay qaraxii Central Hotel ka dhacay Jimcihi la soo dhaafay, isla markaana dadaal loogu bixin lahaa dhaawacyada u baahan in loo fidiyo gurmad caafmaad oo dibedda ah.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in Ra’iisal wasaaruhu uu uga mahadceliyey maamulka Isbitaalka Ordugan sida ay ugu dadaaleen in lala tacaallo xaaladda caafmaadka dhaawacyada la keenay.
GAROWE ONLINE