Ra'isal Wasaaraha oo furay shirka Cadaado

Image

Cadaado, 31, May, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta gaaray degmada Cadaado, halkaas oo uu ka socdo shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe,

Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowa, Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Sh. Cali Diini, Wasiiro ku xigeeno, Wasiiru Dowlayaal ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb, Madaxweynaha Galmudug, Siyaasiyiin iyo Dadweyne kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu gaaray hoolka shirku ka socday salaan la dhex qaaday ergadii halkaas ku shiraysay, isagoona uga mahadceliyey ergada dhabar adayga ay muujiyeen mudadii ay ku howlanaayen xulista ergooyinka.

“Maanta waxaa farxad ii ah inaan furo wajigii labaad ee shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, wuxuuna shirkaan qayb ka yahay dadaalada xukuumaddu ay ku xaqiijinayso higsiga 2016, oo dalka looga dhisayo maamulada, wajiga labaad ee shirka waxaa lagu ansixinayaa axdiga KMG ah oo uu yeelanayo maamulka looga dhawaaqayo madashaan, waxaana uga baaqayaa Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Gudiga Farsamadu iney iska kaashaadaan sidii loo qancin lahaa dadka qaba tabashooyinka” ayuu yiri RW Cumar.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Gudiga Farsamada dadaalkooda ku aadan ka miro dhalinta shirkan, wuxuuna ku booriyey odayaasha dhaqanka iyo ergada shirka ka qayb galaysa iney dadajiyaan habsami u socodka shirka, lana soo gabagabeeyo dhamaadka bisha Ramadaan hadii Alle Idmo.

---DHAMMAAD---

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM