Ra'isal Wasaaraha oo kulan la qaatey saraakiisha laamaha amniga

Image
Image

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Kulankan oo looga hadlay weeraro mataano ahaa oo xalay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelada Siyaad iyo Wehliye ee magaalada Muqdisho, waxaana Hey’addaha ammaanka lagu amaanay sida ay ugaga jawaabeen weerarka markii uu bilowday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida oo uga warbixiyay weerarkii labada hotel lagu qaaday.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in kooxaha weerarka ku soo qaaday Hotelada Wehliye iyo Siyaad ay ciidamada ammaanka dhamaantood dileen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay mar walba feejignaadaan, waxaana uu mahad celin gaar ah u jeediyay ciidamada kala duwan ee dowladda ee soo afjaray weerarka.

Dhinaca kale Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga ayaa tagay goobihii ay wax ka dhaceen ee Hotelada Siyaad iyo Wehliye, waxaana ka muuqday bur bur aad u xoogan, waxaana weeraradan ay ahaayeen kuwii ugu xooganaa ee Al-Shabaab ka geystaan Muqdisho.

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM