Ra'isal wasaaraha Somalia oo isku-shaandheynaya xukuumada

Image

29 August, 2015 (GO)- Warsidaha Garowe Online ayaa waxa soo gaaraya warar sheegaya in Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid qorsheynayo inuu isku-shaandheyn kooban ku sameeyo xukuumadiisa.

Isku-shaandhentaan oo madaxweynaha dowlada Federaalka wax ka ogyahay ayaa la filayaa inay ku soo biiraan xukuumada xubno cusub oo Xasan Shiikh filayo iney wax ka tari doonaan muranka siyaasadeed ee haysta iyo doorashooyinka la filayo in la qabto 2016.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Farax Shiikh Cabdulqaadir oo aan ka qayb galin xukuumadii hore ee Barlamanka Federaalka ka diidey Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid.

Dhinaca kale waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in qaar ka tirsan xildhibaanada dabada ka riixaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowlada Federaalka arinkaan ku talaabsadeen kadib markii ay ka warheleen in xukuumada cusub aysan ku jirin.

Lama oga waqtiga lagu dhawaaqayo golaha xukuumada ee cusub kasoo isbadalka la sheegey in saameyn doono xubno kooban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM