Ra'isal Wasaaraha Somalia oo ku wajahan gobolka Galguduud

Image

June 27, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay u ambabaxaan gobolka Galguduud.

Mudane Cabdirashiid iyo wafdigiisa ayaa booqan doona degmada Dhuusomareeb, halkaasoo kulamo gaar gaar ah uu kula qaadan doono madaxda Ururka Ahlu Sunna iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulammadaas ayaa intooda badan ujeedadoodu tahay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka soo kala dhex galay Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna.

Ahlu Sunna ayaa dhowaan ka baxday shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee Cadaado ka socda, waxay sidoo kale shaacisay inay gebi ahaanba xiriirka u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Ahlu Sunna waxay todobaad kahor iclaamisay inay qabaneyso shir ka madax bannaan midka Cadaado, kaas oo qorshuhu yahay in maamul loogu sameeyo gobollada dhexe.

Ra'isal Wasaaraha ayaa arrimahaas oo dhan kala hadli doona madaxda Ahlu Sunna oo iyagu ku andacoonaya in aan la siinin mudnaantii ay lahaayeen layskana indho tiray jiritaanka maamulka Ahlu Sunna iyo dagaalladii uu la galay Al-shabaab.

Dhanka kale, Ra'isal Wasaaraha ayaa booqan doona degmada Cadaado halkasoo weli uu ka socdo shirka lagu dhisayo maamulka loogu magac daray Galmudug ee loo sameeyey gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug.

Ergooyinka, siyaasiyiinta iyo mas'uuliyinta Dowladda Federaalka ee Cadaado ku sugan ayuu kala hadli doonaa sidii loo qancin lahaa Ahlu Sunna, loogana qayb gelin lahaa maamulka uu dhismihiisu gaba gabada ku dhow yahay.

Mudane Sharmaarke wuxuu sidoo kale ka qayb geli doonaa doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas oo lagu wado inay dhacdo horraanta bisha soo socota ee July.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM