Ra'isal wasaaraha Somalia oo kulan la qaaday Uhuru Kenyata

Image

08 November, 2015(GO)-Ra'isal wasaaraha Somalia aya kulan la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira xaaladda Somalia iyo sidii loo samayn lahaa guddi labada dhinac ka kooban oo ka shaqeeya xiriirka labada waddan.

Kulankan, waxaa Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid ku weheliyay, qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda, waxaana shirkaasi lagu qabtay maglada Nairobi xarunta Kenya.

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay kulanka dhexmaray labada mas'uul ayaa sheegay inay diiradda ku saareen is aragooda arrimo lagu hormarinayo xasiloonida gobolka iyo wadashaqayn toos ah oo dhexmara Somala iyo Kenya.

Uhur Kenyata, waxaa sidoo kale uu xusay inay ka wada hadleen Ra'isal wasaaraha Somalia sidii loo samayn lahaa guddi isku dhaf ah oo Somalia iyo Kenyati isugu jira kuwaasi oo ka shaqayn doona xiriirka labada wadan.

Shirkan ayaa yimi ka dib booqasho Cumar Cabdirashiid ku tagay dalka Kenya Jimcihii la soo dhaafay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM