Ra'isal Wasaaraha Somalia oo la kulmey dhiggiisa Ethiopia

Image

March 10, 2015 (GO)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo shalay isaga iyo wafdi uu hoggaaminayaa dalka Ethiopia gaareen ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatray dhiggiisa dalka Ethiopa Hailemariam Desalegn  iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Tedros Adhanom. 

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arimo badan waxaase ugu muhiimsanaa xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal iyo iskaashiga ay ka leeyihiin dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Cumar Cabdirashiid ayaa uga mahad-celiyay dawladda Ethiopia qaybt ay ka qaadaneyso dib usoo celinta xasiloonida Soomaaliya, isagoo xusey in Dowladda Federaalku dadaal ugu jirto xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dawliga ah si dadka Soomaaliyeed u helaan adeegyada bulshada ee muhiimka ah.

"booqashadan rasmiga ahi waxay qayb ka tahay socdaallo aan ku mari doono dalalka dariska iyo saaxiibka la ah Soomaaliya si aan u dar-dargalino xiriirka iyo iskaashiga aan la wadaagno dalalkaas" ayuu yiri Ra'isal Wasaaraha oo isaga oo Addis Ababa ku sugan la hadlay warbaahinta Dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaa ku weheliya booqashadiisa xubno ay kamid yihiin Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Axmed Cabdisalaan, Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Khadija Al-Maqsumi,  Cabdullaahi Maxamed Cali San-baloolshe iyo Lataliyayaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM