Ra'isal Wasaare Sharmaarke oo la kulmey wafdi ka socda China

Image
Image

Muqdisho, 30, May, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda oo ay ka mid yihiin; Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiir ku Xigeenka Xanaanada Xoolaha, Wasiir ku Xigeenka Kaluumaysiga, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wafti balaaran oo ka socday dowladda Shiinaha.

Waftigaan ayaa waxaa hogaaminayey Liu Guijin oo ah Ergayga dowlada Shiinaha u qaabilsan Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Africa, wuxuuna Ergayga iyo waftigiisu qiimaynayaan sida ugu haboon ee dowladda Soomaaliya uga mid noqon lahayd golahaas.

 “Xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya wuxuu dib u soo noqday markii la dhisay dowladan cusub dhamaadka sanadkii 2012, waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir dheer oo soo bilowday 1960-kii, waxaa noo qorshaysan inaan Soomaaliya ka caawino, dhanka warshadaha si dadka shaqo loogu abuuro, dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka, oo saldhig u ah in dalka wax badan laga caawiyo, waxaana rajaynaa in Soomaaliya sanadkaan dhamaadkiisa ay ku soo biirto Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Africa, si ay uga fa’iidaysato deeqaha iyo daymaha dowladda Shiinuhu siiso wadamada ka midka ah golahaan.”ayuu yiri Mr liu Guijin

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa uga mahadceliyey waftiga Shiinaha booqashada ay ugu kuurgalayaan  sidii ay dalka uga caawin lahaayeen inuu cagihiisa isku taago, dib u dhisna ay ku sameeyaan goobihii ay Shiinuhu dhiseen oo bur burku soo gaaray.

“Waxaa dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sidii ay ugu biiri lahayd Golaha Xiriirka Africa iyo China, waxaana arinkaas hormuud ka ah diyaarinteeda Wasaaradeena Arrimaha Dibadda. Dowladda Shiinaha waxaan ka rajaynaynaa markii aan ka mid noqono golahan inaan qayb ka helno mashaariicda ay Shiinuhu ku hormarinayaan Africa, waxana mudnaanta noo leh hormarinta Xoolaha, Kaluumaysiga iyo Waxbarashada” ayuu yir RW Cumar

Ugu danbayntii Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Khalid Cali Cumar ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay bilowday qaabkii ay uga mid noqon lahayd Golaha Xiriirka Africa iyo Shiinaha, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay ka qayb galayso sanadkan dhamaadkiisa shir heer wasiir ah oo ka dhacaya South Africa.

“Waftigaan wuxuu qiimaynayaa sidii Soomaaliya ugu biiri lahayd Golaha Xiriirka Shiinaha iyo Africa oo la asaasay sanadii 2000, wuxuu golahaan taageero balaaran ka gaystaa dib u dhiska Africa, waxaana la qabtaa sadexdii sanaba shir heer madaxweyne ah, waxaana shirkii ugu danbeeyey lagu balan qaaday lacag gaaraysa 20 bilyan oo doolar oo dalalka Africa ay ku helaan deeq, deyn aan dulsaar lahayn iyo deyn dulsaarkeedu yar yahay.

----DHAMAAD---

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM