Ra'isal wasaare Sharmaarke oo maanta Barlamanka hor tegaya

Image

December 24, 2013 (GO)- Ra'isal wasaaraha dhowaanta lasoo magacaabay ee Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa maanta hortegi doona Barlamanka si codka kalsoonida loogu qaado.

Todobaad kahor ayey ahayd markii lasoo magacaabay Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isagu horay wasiirka koowaad uga soo noqday dowladii kumeel gaarka ahayd ee Madaxweyne Shiriif Sheekh Axmed hormuudka ka ahaa.

Magacaaabistiisa ayaa timid 11 maalmood kadib markii xildhibaanada Barlamanku kalsoonida kala laabteen Ra'isal Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo isaga iyo Madaxweynaha khilaaf muddo bilo ah soo jiitamayey soo kala dhex galay.

Hadii Barlamanku ansixiyo, Sharmaarke  wuxuu noqonayaa  ra'isal wasaarihii saddexaad ee muddo labo sano gudahood ah Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud soo magacaabo.

Sharmaarke oo ka hadlayey munaasabadii lagu soo magacaabay wuxuu sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh taasoo sii dardar gelisa shaqada dowladda islamarkaana hirgelisa qorsheyaalka lagu gaarayo higsiga sanadka 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM

Wareegga labaad ee wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in doorashada lagu saleeyo dastuurkii la ansixiyay sanadkan 2026.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 06:13AM