Ra'isal wasaare Sharmake oo Muqdishu tagay

Image

28 November, 2015(GO)-Ra'ilsa wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa maanta dib ugu laabtay magalada Muqdishu xarunta Somalia ka dib socdal hal maalin qaatay oo ku tagay magalooyinka Cadaado iyo Garowe.

Safarka Ra'isal wasaaraha ayaa la xiriiray xaaladda Galkacyo iyo sidii loo gaari lahaa xal waara oo labada dhinac ku qanacsanyihiin, balse arrintaasi waxba kama hirgalin oo waxaa dib u billoowday dagaal u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug.

Sharkame ayaa maanta qorshuhu ahaa inuu tago Galkacyo, balse uma suurto galin, wuxuuna gaaray magalada Xamar halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay xilliga uu tagay magalada Muqdishu, ayuu sheegay inay ku rajo waynyihiin sidii colaadaasi loo dhammayn lahaa, wuxuuna xusay inuu wafdi uga yimi magalada Garowe, kuwaasoo tagi doona magalada Galkacyo.

Laba masuul ee maamullada Puntland iyo Galmudug ayuu Sharmake tilmaamay inay ka ogolaadeen sidii arrinta nabad loogu dhammayn lahaa.

Lama garanayo sababta Cumar Cabdirashiid Muqdishu ugu laabtay iyadoo taagantahay xaaladda uu awal u yimi Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM