Ra'isal Wasaare xigeenka oo la kulmey guddiga gurmadka qaxootiga

Image

Muqdisho, May 25, 2015…Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xalay kulan la qaatay guddi wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Haweenka, Wasiirka Dhalinyaradda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaaha.

Gudigaana ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dadka soo gaaray magaalada muqdisho iyo sida loo qaabilay, iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka tirade badan ee soo gaaray magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xuseen Ciid ayaa gudiga uga warbixiyey dadka soo gaaray magaalada Boosaaso oo tiradoodu gaarayso 5,000 qof oo isugu jira Soomaali, Ethiopian iyo Yemaniyiin.

“Waxaa soo gaaray Boosaaso dad tiradoodu gaarayso 5,000 qof, waxaa gurmad lixaad leh u fidiyey dadka deegaanka oo ay hormuud u yihiin Culima u diinka, Ganacsatada iyo maamulka Puntland, waxaana dadka soo dhaafaya Boosaaso la siiyaa lacag jid mar ah oo ay ku gaaraan deegaamada ay ku wajahan yihiin. Waxaa jira dad faro badan oo ku sugan magaalada Mukulla oo ah dariiqa kaliya ee dadku soo maraan ku waas oo ku soo wajahan Soomaaliya” ayuu yiir Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa gudiga u sheegay muhiimada ay leedahay in loo diro wafti wasiiro ah Maamulka Puntland, si dadka halkaas jooga iyo kuwo imanaya ay isaga kaashadaan la socdkooda dhanka amniga iyo diwaan galintooda qaxootinimo.

Ugu danbayntii Gudiga ayaa baaq u diray Wasaaradaha in dhamaan shaqaalahooda dowlada ay ku wacyi galiyaan in qof walba iska jaro wuxuu awoodu mushaarkiisa, taasna waxaa iska kaashanaya Agaasimayaasha Wasaaradaha iyo Gudiga Gurmadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Charles King

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-10-2025

  • 11:06AM

Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay heshiis qarsoodi ah la gashay Sweden

Beenintan ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka Gaashaandhigga Sweden, Pål Jonson, uu booqasho ku joogo Muqdisho shalay.

  • Soomaliya

    08-10-2025

  • 02:08PM