Ra'isal Wasaare Xigeenka" wasiirkii aan sii shaqeyn karin ha iska tago"

Image

November 18, 2014 (GO)- Kadib markii maanta xubno hor leh oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Federaalku soo saareen qoraal ay Ra'iisul Wasaaraha kaga codsanayaan inuu is casilo ayaa waxaa arintaas ka jawaabey Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed.

Ridwaan ayaa sheegay in wasiirkii aan lasii shaqeyn karin Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed xor u yahay inuu istiqaaladiisa soo gudbiyo isagoo intaas raaciyey in wasiirkii shaqada ka taga sida ugu dhaqsaha badan wasiir kale oo lagu bedelo loosoo magacaabi doono.

Dhanka kale Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ka warbixiyey qodobadii diiradda lagu saaray kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu maanta yeesheen, kulankaasoo lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo dhowr ah.

Wuxuuna sheegay in xeerarka maanta la meel mariyey kamid ahaayeen: hindise sharciyeedka xuduudaha iyo federaalka iyo hindise sharciyeedka doorashada labadaas xeer oo Wasaaradda Arrimaha Guduhu horay Golaha ugu soo gubisey.

Ilaa iyo hadda 31 xubnood oo kamid ah 55ta xubnood ee Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalku ka kooban yahay ayaa kasoo horjeestey siyaasadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed iyagoo ugu baaqay inuu sida ugu dhaqsaha badan xilka uga dego.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM