Ra'isal wasaraha Somalia oo arrimo badan ka hadlay [Akhriso]

Image

27 September, 2015(GO)-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay, wuxuuna soo jeediyay inay joojiyaan colaada isla markaana ka shaqeeyaan sidii nabad loo dhex dhigi lahaa.

“Waan ka xumahay dagaallada ka dhacay deegaanada Qorilay iyo Magaclay, waxaana ugu baaqayaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo si shuruud la’aan ah dagaalka ku joojiyaan. Dagaal wiil-baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho. Sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira deegaanka waa wada-xaajood, waxaanan xasuusineynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneyn, taas oo looga soo gudbay xiligii Colaadaha, hadana waxaan hiigsaneynaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan” Ayuu yiri Sharmake.

Ra'isul wasaare Cumar waxa uu intaas raaciyay in khadka telefoonka kula hadlay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka dhinacyada dagaalamay isla markaana ka aqbaleen in ay khilaafka ku xalin doonaan wada xaajood.

Sharmake, waxa uu sidoo kale tacsi u diray dhammaan intii ku waxyeellowday qarax ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Somalia Todobaadkii hore.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa faah-faahin ka bixiyay safar uu maanta ugu ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka jeedin doono khudbad.

Waxaa uu sidoo kale ka qayb galaya shir gaar ah oo heerkiisu sareeyo kuna saabsan arrimaha Somalia kaasi oo ka dhici doona dalka Mareynaka, wuxuuna rajo ka muujiyay in shirkaas ka soo bixi doonaan qodobo muhiim u ah danaha iyo horumarka dalka.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Somalia ku tallaabsatay horumar kala duwan dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, isagoo hoosta ka xariiqay muddo gaaban gudahood in lagu soo dhamaystiri doono maamuulada dhiman sida Hiiraan iyo Shabellaha dhexe, kuwaasi oo loo marayo hanaan dib u heshiisiineed, isu tanaasul iyo wadatashi sida uu hadalka u dhigay Sharmake.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM