Ra'isal wasaraha Somalia oo ka hadley arrimo xasaasi ah [Dhageyso]
Ra'iisul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid oo waraysi gaara siiyay Tv-ga Universal xaruntiisa Muqdisho ayaa ka hadlay arimo xasaasi ah, kuwaas buslshadu ka dhursugayeen in dowladdu ka hadasho.
Cumar ayaa si qoto dheer u sharaxay mowqifkooda ku aadan mooshinka dhawaan qaar kamid ah xildhibaanada Somalia ka keeneen madaxwaynaha dalka Xasan Shiikh Maxamuud, isagoona walaac badan ka muujiyay, cadeeyayna in dib udhac keenayso arinataani.
Ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa iska fogeeyay eedaynaha loo soo jeediyay madaxwaynaha in xukuumadiisu wax kala socoto, iyadoona ayana kamid tahay dilal sharciga waa-faqsanayn oo Xasan Shiikh amray in la fuliyo, balse uu sheegay inay arintaani ka horaysay.
Mar wax laga waydiiyay inuu wakiil ka yahay madaxwaynaha xilliga uu hortagay Baarlamanka Somalia ayuu yiri.
"Wakiilka marka laguu sheegayo ma ahan inaan qareen u noqonayo, balse waxaa weeye khilaafaadkaasi waxa aan ka xalin karo inaan dhameeyo, ayna kala garbaxaan madaxwayanaha iyo Baarlamanka "
Cumar Cabdirashiid ayaa rajo fiican ka muujiyay dhamaystirka maamulka Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe iyo ku naqoshada dastuurka dalka isagoona hoosta ka xariiqay bisha March in la ansaxiyo Datuurka cusub.
Sept 05,2015 ayaa gudoomiayaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa talo soo jeedin u soo gudbiyay xukuumada Ra'iisul wasaare Cumar in dhex dhexaadin ka samayso khilaafka ka dhex aloosan madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud iyo xildhibaanada.
GAROWEONLINE