Ra'isul wasaare Sharmake oo ka hadlay dhismaha ciidan Qaran [Dhagayso]

Image

03 Octobar, 2015(GO)-Ra'isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa sheegay in dowladda Somalia muhiimada siinayso dhismaha ciidanka Qaran oo diyaarintiisu socoto.

Sharmake, waxa uu tilmaamay ujeedka ciidanka inuu yahay sidii Somalia looga saari lahaa xasilooni darada, isku fillaana u heli lahaayeen Xukuumadda iyo shacabka Somaliyeed.

Arrintan ayuu tilmaamay inay u baahantahay taageero caalami ah oo isugu jirta, qalabayn iyo tababaro.

Ra'isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid oo la hadlay VOA-da ayaa tilmaamay inay jiraan mushahaar la'aan haysata ciidanka Somaliyeed, balse haatan ay ku dadaalayaan sidii xuquuqdooda u heli lahaayeen isla markaana loogu samayn lahaa xeryo ciidanku ku jiraan oo aysan noqon kuwa u hoyda guryahooda.

Dhaqaalaha dalka Somalia ayuu xusay inay doonayaan qaabkii kor loogu qaadi lahaa, si meesha looga saaro kharasha la'aan jirta

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM