Ra'iisul wasaaraha magacaaban oo dalab u diray Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha magacaaban ee dowladda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo 57-jir ah, ayaa sameeyay hadal-jeedintiisii ugu horeysay tan iyo markii jagadaas loo magacaabay.

Mr Rooble oo xilkaas loo xushay 17-kii bishaan September ayaa shaaca ka qaadey in uu si buuxda ku ogolaaday xulashada madaxweynaha.

Mudaneyaasha baarlamaanka federaalka gaar ahaan Golaha Shacabka ayuu cod dheer ku waydiistay codka kalsoonida si waajibaadkiisa u guto.

"[Waxaan] rajeynayaa in ay u siin doonan codka kalsoonida si aan u guto waajibaadkeyga, Mahadsanidiin," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Maxamed Rooble oo 1963 ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug kuna hadla luuqadaha Soomaali, Carabi, English, Swedish iyo Talyaani ayaa bedelaya Xasan Cali Khayre oo Aqalka Hoose uu eryay 25-kii July.

Shaqooyinka ugu culus ee horyaala ra'iisul wasaaraha magacaaban waxaa kamid ah; fulinta heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka, 2020, sugitaanka ammaanka xilliga doorashooyinka iyo abuurida jawi xasilooni ah.

Muddo xileedkiisa dastuuriga ah ayaa dhamaanaya bisha Febraayo, 2021, waana maalinta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada dalka oo aan la kala ogeyn hadii madaxweynaha talada soo laabanayo iyo in kale.

Tan iyo 2000, Soomaaliya ayaa yeelatay 13 ra'iisul wasaare taasoo la macno ah in ugu yaraan 18-kii biloodba ay yeelaneysay wasiir koowaad cusub, taasoo lagu tilmaamay caqabad garba-duubtay horumarka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM