Ra'iisul wasaaraha magacaaban oo dalab u diray Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha magacaaban ee dowladda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo 57-jir ah, ayaa sameeyay hadal-jeedintiisii ugu horeysay tan iyo markii jagadaas loo magacaabay.

Mr Rooble oo xilkaas loo xushay 17-kii bishaan September ayaa shaaca ka qaadey in uu si buuxda ku ogolaaday xulashada madaxweynaha.

Mudaneyaasha baarlamaanka federaalka gaar ahaan Golaha Shacabka ayuu cod dheer ku waydiistay codka kalsoonida si waajibaadkiisa u guto.

"[Waxaan] rajeynayaa in ay u siin doonan codka kalsoonida si aan u guto waajibaadkeyga, Mahadsanidiin," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Maxamed Rooble oo 1963 ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug kuna hadla luuqadaha Soomaali, Carabi, English, Swedish iyo Talyaani ayaa bedelaya Xasan Cali Khayre oo Aqalka Hoose uu eryay 25-kii July.

Shaqooyinka ugu culus ee horyaala ra'iisul wasaaraha magacaaban waxaa kamid ah; fulinta heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka, 2020, sugitaanka ammaanka xilliga doorashooyinka iyo abuurida jawi xasilooni ah.

Muddo xileedkiisa dastuuriga ah ayaa dhamaanaya bisha Febraayo, 2021, waana maalinta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada dalka oo aan la kala ogeyn hadii madaxweynaha talada soo laabanayo iyo in kale.

Tan iyo 2000, Soomaaliya ayaa yeelatay 13 ra'iisul wasaare taasoo la macno ah in ugu yaraan 18-kii biloodba ay yeelaneysay wasiir koowaad cusub, taasoo lagu tilmaamay caqabad garba-duubtay horumarka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM